Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

FADEEXAD: Ogow sababta rasmiga ah oo ay MSF uga baxday dalka Somalia

$
0
0

Dad badan oo Soomaali ah ayaa horay u aamin sanaa in hay’adaha gargaarku ay Soomaaliya u joogaan inay Caawiyaan dadka dhibaataysan, waxaana dood kulul ay u dhexaysay dadka aaminsan fikirka aan kor kusoo sheegay iyo kuwo u arkayay hay’adaha samafalku inay u joogaan Soomaaliya si ay usii huriyaan dhibaatada.

Jawaabta dooda labadaas kooxood ayaa laga dheehan karaa go’aanka ay takhaatiirta MSF ku gaareen inay ka baxaan Soomaaliya xili aan wada dareemayno inay soo hagaagtay guud ahaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Takhaatiirta MSF ayaa ku ciladeeyay go’aankooda inay u adkaysan waayeen dhibaatada amaan daro oo ay ku sheegeen inay kasii dartay guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waxaase xasuusin mudan in hay’adaani ay ka shaqaynaysay Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991.

Su’aasha is-waydiinta mudan ayaa ah amaanka Soomaaliya sanadkee ayuu wanaagsan yahay 1991 iyo 2013? Waxa intaas dheer in MSF sanadahaas hore looga dilay Soomaaliya 16 shaqaale, halka laga afduubtay tobaneeyo kale, lakin sanadkan 2013 lama soo sheegin qof laga dilay iyo qof laga afduubtay.

Aqoonta aan u leeyahay hay’adaha samafalka iyo lugooyada ay Soomaali badeen, waxay iisii xaqiijinaysaa go’aanka MSF inay dhibsatay dowladnimada iyo amaanka soo hagaagay, ama waxaan oran karaa inay guteen howshoodii aheyd sii hurinta dhibaatada Soomaaliya ayna hada go’aansadeen inay iska baxaan maadaama beesha caalamku ay go’aan ku gaartay markaan in xaalada amaan ee Soomaaliya ay wax ka badalaan, sidaas darteedna lagu amray hay’adihii ka dhaqeyn jiray hurinta dhibaatada Soomaaliya inay joojiyaan shaqadii ay hayeen.

Dad badan ayaa laga yaabaa inay la yaabaan hadalkayga, waxaanse xasuusinayaa dadkaas in MSF ay ka mid ahayd hay’adaha ay Al-Shabaab ka reebeen cunaqabateyntii ah ku joojiyeen hay’daha samafalka ayna ilaa iyo hada ka howlgalaan MSF isbitaalka dageenka Mareereey oo 5tii sanno ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale hay’adda Laanqeyrta Cas ICRC(Red Cross) waxay la mid aheyd MSF waxayna ka shaqeynaysay dhulka Al-Shabaab xili ay Al-Shabaab joojiyeen dhamaan hay’adihii samafalka. Labada hay’adoodba waxay lacago faro badan siinayeen Al-Shabaab si ay howlahooda usii wataan, taas badalkeedna Al-Shabaab waxay ka reebeen go’aankii ay mamnuuceen hay’adaha samafalka.

Sidoo kale hay’adda WFP (World Food Program) waxay laba sanno oo walba qandaraas boqolaal kun oo dollar ah kusoo saari jirtay hogaamiye-kooxeed cusub oo ay qandaraas ku siin jireen inuu soo dajiyo Galeyda iyo Masagada mucaawinada ah, uuna ku kaydiyo baqaaro magaalooyinka waaweyn ku yaala, kadibna uu qeybiyo badarkaas marka uu soo go’o dalaga Galeyda iyo Masagada gobolada beeraha leh kasoo baxa, si ay suuq u waayaan beeraleydu.

Dhowr mar ayaa lagala hadlay hay’adda WFP inay badarka qeybiso xiliga baarta ee aysan la sugin xiliga uusoo go’ayo badarka beeraha. Waxa kaloo in la ogaado u baahan in wadan walba ay WFP u gayso dalaga uu wadankaasi beerto, si ay niyad jabiso beeraleyda. Tusaale ahaan Itoobiya waxa mucaawino loogu geeyaa Qamadi, maadaama ay beeraan, Soomaaliyana Galey iyo Masago.

Hadaba waxa la gudboon dowladda Soomaaliya inay dhagaha ka furaysato go’aanka MSF ayna sii wado dowladu howlaheeda nabadeynta iyo horumarinta dalka, ayna buuxiso booska ay baneysay MSF. Soomaalidu inay ka reysato mooyee u darsan mayso MSF, WFP, ICRC IWM.

Daacad Wadanka 
Keydmedia Online |

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>