Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Wiilka Osama Bin Laden oo qarka u saaran hanashada guul taariikhi ah

$
0
0

Wiilka Osama Bin Laden, ayaa laga yaabaa in loo dhiibo maamulka qandaraasyada dhisme ee ugu weyn cayaaraha koobka adduunka ee 2022 ee ka dhacaya dalka Qadar.

Omar Bin Laden oo ah canuga afaraad ee Bin Laden ayaa ku jira gor gorton ku saabsan sidii uu u heli lahaa qandaraas ku kacaya Ballaayin dollar oo ah dhismayaasha garoomada iyo goobaha kale ee World Cup 2022, ee dalka Qatar.

Omar oo 31 jir ah, ayaa jeebka ku shuban doona malaayin dollar oo faa’iido ah haddii uu ku guuleysto qandaraaska tartanka cayaareed ee adduunka loogu jecel yahay.

omarGanacsadahaasi reer Saudi Arabia ayaa goobaha uu qanadaraaska ku doonaya waxaa ka mid ah inuu dhiso waddooyinka tareenada ee hoos mara ama ka dhex shaqeeya garoomada kubadda cagta ee magaalada Doxa.

Waxa uu yiri “Waxaan dooneynaa inaan ku lug yeelano Doxa iyo qadadka kale ee tareenada dalka Qadar oo dhan”

Omar ayaa sheegay inuu mashruuciisa u gudbin doono dowladda Qadar dhammaadka bishan, uuna ku rajo weyn yahay inuu ku guuleysto qandaraaska.

Inkasta oo aabihiis uu ahaa madaxa Al-Qaeda, haddana Omar wax lug ah kuma lahan kooxaha argagixisada.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>