Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Maxaa ka cusub magaalada Kismaayo?

$
0
0

Kismaayo (Caasimada Online) - In ka badan 600 oo qof oo naafo ah oo ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo wajahday.

Guddoomiyaha naafada Kismaayo Shukri Saciid Axmed oo wareysi siisay idaacadda Bar-kulan ee ay maal gelisyo QM, ayaa sheegtay in dadkan ay isugu jiraan kuwa ku naafoobay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka, dad ku waxyeelloobay shilal gaadiid iyo kuwa ku dhashay naafannimada.

Shurki ayaa tilmaantay in dadkan aysan haysan adeegyada aasaasiga u ah nolosha, isla markaana ay mar quutaan marna qadaan.

Waxay ka codsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo jaaliyadaha dibadda in ay soo taakuleeyaan.

Hadalkeeda ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya si weyn looga dareemayo diyaar-garowga loogu jiro ciidul-fitriga oo uu naga xigo toddobaad.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>