Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Xog ku saabsan Somalida: Tiradooda, aqoonta, HIV, tahriibka, fidnoolayasha

$
0
0

Sanadkii na dhaafay  tirade Soomaaliya ( Somalia + Somaliland) waxaa lagu qiyaasay  ku dhawaad 11 Malyuun  oo qof , 3.5 Malyuun oo kamid ah waxay ku nool  ‘’Somaliland’’  UNPO  waxay bogeeda ku sheegtay inay dadka ku nool ‘’Somaliland’’  ee tirisgooda lagu qiyaasay 3.5  ay isugu jiraan Soomaali , Swahili, iyo Oromo  , meesha dadkaas aan soomaalida ahayn ay kaga noolyihiin  ma garanayo marka laga reebo Oromada qoxootiga ah ee inta badan  magaalooyinka ka dawarsada .

15 sano iyo wixii kawayn  waxaa wax akhrin kara qorina kara 37.8%,  Raggu tirsigaas waa 49.7%  dumarkuna waa 25.8% , maamulada is diidan ee midba sheego inuu u adeego dadka halka uu taladeeda haysto miisaaniyad sanadeedkooda kuma jirto wax loogu tala galay adeegga wax-barasho hadday jirtana waa hadal xaashi lagu dhigay, kaliya waxay shacabka ku maaweeliyaan waxa laga soo dawarsado qolyaha yiraahda deeq ayaan bixinnaa ee dacarta waraabiyay dalkeennii mudnaa bari waa dullaaliinta aan u dabranhay.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa xarumo caafimaad  heli kara ( waa kuwa gaarka ah ee lacagta lagu galo) 23% inta magaalo joogta , waa 0 % kuwa miyiga ku nool , cudurada laga qaado cuntooyinka dhacay ee lasoo dhoofiyo  wuxuu gaaraa siisan yahay heer khatar ah , goobaha ganacsiga haddii aad dhex mushaaxdid waxaad ku arkaysaa cuntooyin fara badan oo taariikhdoodii dhaafay , qaar badan oo aan lahaynba astaan lagu garto , iyo kuwa uu bahal ku dhashay hadana dadkeenu ay habayn iyo maalin cunaan.

Arinta naxdinta leh sanadkii 2009 kii waxaa HIV/AIDS  qabay 0.7%  iyadoo sanadkaas ay la noolaayeen inta diiwaanada la galiyay 36,000  waxaana la diiwaan galiyay sanadka 2009 ka inay u dhinteen cudurkaan halista ah ee gogol dhaafka laga qaado 1600 oo qof , waxaa jira tiro aan yarayn oo aan la diiwaan galin ama aanay jirin cid ogaatay iyo qaar badan oo qarsanaya  halisna ku ah bulshada inteeda kale inay ku faafiyaan .

1,000 kii qof ee Soomaali ah sanad waliba cel celis 12 qof oo dhalin yaro u badan ayaa dalka isaga Tahriiba  waxayna aadaan halka ay isleeyihiin waxaad ka helaysaan nolol dhaanta midda ay ku haystaan Dalkeenna , badankood waxay ku nafwaayaan biyaha badaha , iyo lama dagaanka saxaraha , qaarka nasiibka leh ayaa xabsiyo gala wax ka samata baxana waa yar yihiin.

Maalin waliba waxaa hoteelada ugu qaalisan Xarumaha Geeska Afrika ku shira rag iyo dumar shafka ka naaxay oo shaqa ka dhigtay dumi kala didi iyo dantooda yaysan gaarin Soomaali.

“Ninka Guba Dhulkeenee Latashada Gumaystoow Kugu Garanay Taladaad La Guur Guuranaysee.. ” (Magool )

F. Hiirane

fahiira@gmail.com   

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>