Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Daawo: Fanaanka Abdi Dajiye oo soo saaray video-ga heestii Dhalandhool

$
0
0

Fanaanka da’dayar ee Abdi Dajiye oo dhawaanahan farka kusoo galay dardar xoog leh islamarkaana qaada heeso  aan horey loo qaadin oo ku cusub dhagaha taageerayaashiisa ayaa hadba muuqaal cusub kasoo tuuraya.

Waxaana uu maanta soo saaray heestiisa caanka baxday Dhalandhool oo runtii ah mid laxan, erayo iyo cod isku kulansatay. Waxaana erayada heestan sameeyey  fanaanka walaalkiis Abdiqani Garyare, laxanka waa aabihii laxamada Soomaaliya Abdi Baadil Ibrahim, musica waa wiilka  ku waalan garaacista musica Maxamed Weerow. iyaddoo muuqaalka heestan ay idin soo duubeen bahda Kismaayo24.com

Heesta waxaa erayadeeda haddii aad dhageysato ka dheehan kartaa jaceyl baaxad leh oo ay ka hadleyso kaasi oo xitaa mararka qaar gelaya tilmaaha miyiga Soomaaliya lagu yaqaan.

Waa yar tahay in fanaaniinta cusub ee Soomaaliyeed laga helo mid fanka kusoo galay heeso isaga u gaar ah oo waliba la wada jecleystay balse Abdi Dajiye ayaa nasiib u yeeshay inuu kaalintaasi buuxiyo.

Fanaanka ayaa sidoo kale mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu shacabka Soomaaliyeed  u rajeeyey inay ramadaankan kuwii ka faa’ideysta noqdaan oo alle nabad iyo barwaaqo uga dhigo dalkeena Hooyo.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles