Xaflad aad u weyn oo lagu maamuusayey xuska sannadguuradii 70aad ee aasaaskii ururkii gobanimadoonka dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay xarunta ururka dhalinyarada Kanava ee magaalada Helsinki maalinimadii arabacada 15 may 2013. Xafladdaas oo si heer sare loo abaabulay ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool agagaarka caasimadda wadanka Finland – Helsinki, kuwaasoo isugu jiray Haween, Dhalinyaro, Odayaal, Aqoonyahano, Saraakiil iyo Siyaasiyiin intaba.
Dadweynihii halkaasi ka soo qayb galay waxey dhageysteen taariikhdii aabayaashii gobanimada Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo, heeso wadani ah, buraarbur & hadallo guubaabo ah oo lagu wacyi gelinayey dhalinyarada soomaaliyeed. Waxaa kaloo xafladda qeyb weyn ka ciyaarayay barnaamijyo madadaalo ah oo aad u xiiso badnaa oo loogu talogalay dhalinyarada waxaa ka mid ahaa Riwaayad magaceeda la yiraahdo Labo dhaqan kala dheer, indho sarcaad uusoo bandhigayey Janne Tupela & Meissa Niang oo soo garaacayey gurbaanka. Iyadoo uu barnaamijka si wanaagsan u daadihinayey Mudane Ibraahim Axmed Takar Jaango,an.
Marti sharaftii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Adeer Cumar Maxamuud Jimcaale, Dr. Cumar, Daauud Axmadeey, Suldaan Xuseen Qawdhan, Abwaan Inj. Axmed, Hodan Yuusuf iyo marti kale iyagoo dhammaan ku nuux nuuxsaday qiimaha ay leedahay maalinta weyn ee 15may. Agaasimaha guud ee ururka dhalinyarada Kanava Mudane Cabdulqaadir Hadaafow ayaa hamablyo u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada kunool gudaha & dibaddaba. Isagoo tilmaamay iney nasiib darro tahay in dhalinyarada soomaaliyeed magacoodii la xumeeyay, sharaftoodiina meel looga dhacay markii lagu dumiyey qarankeennii oo magacoodii, xooggoodii & maskaxdoodii si khaldan loo isticmaalay. Waxa uu dhalinyarada ku guubaabiyey iney is abaabulaan oo ay horumariyaan & iskuna xiraan umadda soomaaliyeed ee qurbaha ku nool una guntadaan sidii ay u badbaadin lahaayeen magaca & sharafta umadda soomaaliyeed. Gudoomiyaha ururka Kanava Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa isaganu kula dardaarmay dhalinyarada iney ka faa,iideystaan fursadda ay heystaan sida aqoonta & teknoolijaya ayna ku daydaan halgamayaashii SYL kana fogaadaan caadooyinka foosha xun ee dadkeenna dib u dhigay.
Gabagabadii xafladda ayaa waxaa shahaado sharaf & hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyay Abdirahman Yusuf Axmed Ibraahim, Mahad Cabdi & Sacdiyo Maxamed Hiraabe dadaalkii ay u galeen & kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan wax u qabashada dhalinyarada ku nool Finland.
Halkan waxaan idinkugu soo bandhigeynaa qaar kamid ah sawiradii laga qaaday xafladda Daawasho wanaagsan: