Xildhibaano isku Aragti ka ah Xukuumada ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dibna waxay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sadax qaybood oo ka tirsan baarlamaanka oo qayb kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa ku mideysan mooshinkaan, waxaana sadaxdaasi qaybood ay kala yihiin.
- Xildhibaano Aragti ahaan Xukuumada ay isku fahmi waayeen maamul u Samaynta gobalada Jubooyinka oo uu ugu horeeyo xildhibaan C/rashiid Xidig sidoo kalana ay qayb ka yihiin xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalada Jubooyinka.
- Xildhibaano ka soo horjeeda kaalinta dowlada ay siisay wadahadalada Maamulka Soomaaliland oo ku abtirsada Maamulka Khaatumo oo uu horkacayo xildhibaan Cali Khaliif Galay.
- Iyo Xildhibaano kale oo ka soo horjeestay isbadal dowlada ay ku samaysay Jagooyinka qaar, isla markaana sheegay in la hareer maray dhidaamka 4.5 oo Soomaalidu ay wax ku qaybsato.
Sikastaba sadaxdaan qaybood oo ka tirsan Baarlamaanka oo qaybkasta ay leedahay hadaf gaar ah ayaa mar qura waxay isku aragti ka noqdeen in ay mucaaradaan xukuumada Raysal wasaare Shirdoon.
Inkastoo ay jiraan arimahaan oo dhan ayaa hadana qaar ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsanyihiin inay jirto gacan kale oo howshaan wax kawada oo ah Puntland iyo rag leh damac siyaasadeed iyo waliba dad doonaya in la cuuryaamiyo qada socota.
Dokumentiyo aan helnay ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.
Diblomaasi ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay jiraan kulamo ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo lagu soo diyaariyay mooshinkaan ka soo horjeeda xukuumada.
Ma ahan wax cusub in laga hor yimaado Raysal wasaare oo Mooshin laga keeno ilaa marka danbe kursiga laga tuuro, laakiin waa caado soo jirtay laga soo bilaabo Raysal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galayr.
Markii loo eego Shirdoon Raysal wasaarayaashii hore ee laga hor yimid ayaga oo shaqaynaya sida Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Farmaajo madabno rajada laga qabo in lagu guuleesto mooshinkaan oo lagu eryo Raysal wasaare Saacid, sababtoo ah dhamaan wasiiradii koowaad ee xafiika ka tagay waxay baxeen ka dib markii ay isku dhaceen madaxda sare sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Dhowaan ayaa Raysal wasaaraha iyo labadiisa wasiir ee Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha waxay si kala gooni ah ay u hortageen Baarlamaanka, waxaana Raysal wasaaraha uu ka jawaabay 10-su’aal oo ay waydiiyeen xildhibaanada.
Xukuumada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay arimaha ka socda gobalada Jubooyinka waxaana xukuumada ay sheegtay inaysan Aqoonsanayn Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale oo labadooda ay wada sheeganayaan in yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana jira Xildhibaano oo siyaasad ahaan taageersan doorashada Axmed Madoobe sidoo kalana ka qaybgalay Shirar lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Xildhibaan ka tirsan baarlamanka ayaa yiri “Waxaa jira Lacag farabadan oo loo qeybinaayo Xildhibaanadaas, 90% lacagtaasnah waxey ka timid Garoowe” Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimanka Arintaan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah Ina Sharmaarke, Faroole iyo rag kale”
Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda mooshinkaan waxayna ku doodayaan in xiligaan xukuumada aysan u baahnayn in la dhibaateeyo, maadaama ay ku guuleesatay in ay wax ka qabato arimo oo ay horay u balanqaaday, inkastoo aamaanka wali sidii loo baahnaa uusan ahayn.
Qilaafka iyo is qab qabsiga nuucaan oo kale ah ayaa horay u soo ragaadiyay dowladii KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka, waxaana haatan layswydiinayaa halka uu gaari doono mooshinkaan ka dhan ah Xukuumada.