Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

FEDERAAL IYO FIKRADO ISDIIDAN

$
0
0

Federaal waa heshiis bulsho waxaase sida uu ku imaan karo loo kala qaadaa labo siyaabood.

Mida koowaad dad, isku af, diin iyo dhaqan ah oo aan heshiis ku aheyn awoodii Maamul iyo kuwa ah qoomiyado kala duwan oo si ay u noqdaan Qaran sameysta nidaam federal oo ay heshiis ku yihiin.Nidaamkaani waxaa ku dhisan dalal badan oo xasiloon sida Mareykanka iyo Ethiopia balse kuwaasi Soomaaliya waxa ay uga duwan yihiin dadka ku nool oo ah qoomiyado kala duwan.Soomaaliya burburkii ka hor waxa ay ahayd Jamhuuriyad Qaran oo mid ah balse hada waxa ay wajaheysaa dowlada ku dhisan Federaal, tani dad baa u arka inay xal tahay marka loo eego wadciga hada jira kuwa kalana sidaa uma arkaan.“Eeg calankaan buluuga oo ay xidigta cad dhexda uga taallo miyaa taqaan waxa uu ka turjumayo waa shantii Soomaaliya waa astaan midnimo isaga oo aan midowno ayaa ka fiican Federaal hadii aan heleyno ayuu igu yiri nin waayo joog u ahaa marxaladihii dalka.

Si kastaba dowladda oo aan KMG aheyn oo ah dowlad federal ah waxa ay wadaa qorsho ay dalka ugu sameeneyso Maamul goboleedyo dadaalkaasi oo ay horyaalaan caqabado culayskooda leh.

Iyadoo uu jiro dastuur KMG ah oo qeexaya habka loo marayo federaalkakaas oo ay ku qoran tahay in dastuurkaani iyo midka Maamulada kale ay waajib tahay in la is waafajiyo ayaa waxaa muuqata inaanu is waafaqsaneen.

Arrinta ugu weyn oo uu khilaafka ka dhalan karo ayaa waxa ay tahay xuduudaha Maamulada.

Puntland dastuurkeeda waxa uu dhigayaa in deegaanadeed ay ka kooban yihiin gobollada Bari, Nugaal, Sool, Koofurta Togdheer Buuhoodle, Mudug oo laga reebay Hobyo iyo Xarardheere iyo qeyb ka mid ah Sanaag.

Lakiin Dastuurka KMG ayaa dhigayaya in tirada Maamulada iyo xuduudaha uu go’aaminayo Baarlamaanka Soomaaliya oo howl u taala Maamulada aysan aheyn, tani waxa ay muujineysaa in labada dastuur ay is qilaafsan yihiin.

Dastuurka Puntland ka sakoow dowladda waxa uu taabanayaa Maamulada dariska la ah ee Somaliland iyo Galmudug kuwaasi oo deegaanada ku cad dastuurkeeda qeyb weyn ka maamula.

Maamulka gooni isku taaga ee Somaliland ayaa horay u sheegay in lama taabtaan ay yihiin gobolada Somaliland oo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag sida ku cad xeerkeeda.

Dhinaca kale maamulka uu maranka ka taagan yahay sharci ahaantiisa ee Jubaland waxa uu samaystay dhawaan dastuur cusub oo intiisa la sheegay in laga soo minguuriyay midka Puntland, iyadoo wali barlamanka uusan kasoo baxin sharci ogalaanayo in dhismaha Maamulada.

Caqabad kale oo muuqata ayaa waxa ay tahay in uu socdo qorshe 6 gobol oo ka mid ah Koofurta dalka Soomaaliya loogu sameynayo Maamul goboleed oo ka socda magaalada Baydhaba, goboladaasi oo ay ka mid yihiin kuwa hada loo sameynayo Jubaland ee Jubada, mida dhexe iyo gedo taas oo cadeeneysa kala qeybsaneyta aragtida ku wajahan sameynta Maamul goboleedyada.

Xukuumada oo aan raali ka aheyn dhismaha Maamulada aan dastuurka waafaqsaneen ayaa si ay u hakiso qorshayaasha waxa ay Maamul KMG ah u magacaawday gobolada Gedo iyo Bay kuwaasi oo cuuryaamin kara Jubaland iyo Shirka Baydhaba.

Hirgalinta nidaamka Federaalka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya aysan awoodeeda gaarsiisaneen guud ahaan dalka sidoo kalana ay xurguf dhex taalo qabaa’ilka Soomaaliya waxaase Qubarada ku xeel dheer federaalka ay sheegayaan in hirgalintiisa uu imaankaro, iyadoo uu jiro heshiis bulsho iyo dowlad gaarsiisan dalka oo dhan.

Howsha ma sahlana, dadaalka ma yara, waqtigana wuu is gurayaa.

W/D Maxamed Cali Axmed Rooraaye

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online

Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>