Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Tahriib: Sillaca ay maraan dhallinta Soomaaliyeed ee Saxara ku safarta.

$
0
0

Muqdisho (Maanya Moorto) – Axmed waa 26 jir ku nool dalka Sweden, wuxuuna dalkaasi kaga dhiiban yahay inuu yahay canug 13 jir ah oo aa waalidkiis la socon, taas oo uu u door biday inuu kaga badbaado faraha laga qaaddo dadka qaangaarka ah.

Sanadkii 2006-dii ayey Axmed iyo qoyskiisa ka qaxeen Muqdisho xilligaas oo uu magaalada ka socday dagaalkii u dhexeeyey dagaal oogayaashii la baxayISBAHEYSIGA SOO CELINTA NABADDA IYO LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA iyo Kooxdii maxaakiimta Islaamiga ee midowday la baxday ee iyaga dagaalka kaga adkaatay.

Qoyska Axmed oo xaafadooda Raadeerka uu ka dhacay dagaalkii ugu kululaa ayaa waxay u qaxeen xerada Qaxootiga ee Xagardheer ee dhulka Soomaalida Kenya halkaas oo ay doorbideen in ay ka helaan ammaan iyo nolol ka wanaagsan tan Muqdisho markaas ka jirtay.

Axmed waa wiilka ugu weyn qoyskiisa o ka kooban, hooyo, aabe iyo 6 caruur ah oo ay dhaleen, waana curad aad loogu wada han weynaa oo markaas dhaw dhameeyey Dugsiga Sare.

Axmed waa wiil aad baarri ugu ah waalidiintiisa, kuma af celiyo, wuu caawiyaa waxayna ku hanweynaayeen in uu u noqon doono mid nolosha qoyska wax ka bedela oo ay ku nastaan, qadartuse dhanka ALLAAH ayey ka qoran tahay.

Wuxuu ka mid ahaa ardaydii dhigatay iskuulka Axmed-Gurey eek u yaalay Degmada Yaaqshiid, wuxuuna dhameeyey dugsiga sare, balse isagoo aan Jaamacadda bilaabin ayey qoyskiisa barakaceen.

Markii ay qoyskiisii ka soo kictameen Muqdisho, kuna biireen dadkii u hayaamayay dhanka xerooyinka Qaxootiga Soomaalida eek a dhisan Kenya wuxuu ku taamayey labo arrimood. Waa midda koowaade wuxuu is lahaa waxaad gali doontaa nolol nabad iyo amni ah, midda labaadna wuxuu is lahaa waxaa la idin qaadi doonaa dalalka reer galbeed, gaar ahaanna Mareykanka.

- Waxaan sawiranayey in nolosha xerooyinka qaxootiga ay ka wanaagsan tahay middii gurigeenii Muqdisho, sababta oo ah dadka waalidkey la xiriirayey ayaa sidaas u sheegay oo ku dhiirigeliyey in ay xerooyinkaas aadaan- ayuu yiri Axmed.

- Dadka waalidkey kula taliyey in ay xerooyinka qaxootiga noo raraan ayaa ba’a nololeed noo horseeday baan oran karaa, haddii ay si sax ah war noo siin lahaayeen waxaan u guuri laheyn Hargeysa halkaas ayaan jaamacadda ka bilaabi lahaa, maantana nolosheyda sida uma rafaadsanaateen – ayuu raaciyey.

Himilooyinkiisii waxba kama suuroobin, taasi bedelkeedana booliiska iyo burcad dhalinyaro u badan ayaa qoyska Axmed durba ku soo dhoweeyey jirdil, dhac, handadaa joogto ah iyo iskuday kufsi lagula kici lahaa hablaha la dhashay ee ahaa kuwo aad u yaryar, walow uu ALLAAH ka badbaadiyey. Axmed wuxuu ka sheekeeyay xaaladii. Wuxuuna yiri:

-       Booliiska xerada jooga ayaa ugu daran, waxay nagu sameeyeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil, baad iyo xarig. Kaaga sii darane markii la isku dayey in gabdhaha ila dhashay la xoogo xilli habeen ah way diideen in ay noo gurmadaan- ayuu yiri.

-       Noloshu aadbey u adkeyd, xitaa in aad nolol maalmeedka hesho way adkeyd inta aan joogay xerada Xagardheer. Aniga waan mashquulay waxaan galay in aan nafsadeyda la sheekeysto, gabdhaheena waxay noqdeen kuwo habeen iyo maalin ooya, waalidkey welwel ayaa dilay, mana heysano dhaqaale aan dib ugu laabano.

-       Silacaas nololeed ee naga soo maray xeradaasi Xagardheer wuxuu waalidkey ku kalifay in ay ka fikiraan sidii ay ka yeeli lahaayeen xaaladda qoyska oo noqotay mid aad u cakiran. Waayo xilli walba waxaan aheyn dhib suge, weliba waa meel aadan dhaqan garaneyn oo dal shisheeye ah oo dalkaaga hooyo aan aheyn.

-       Taladii si kasto oo loo rogrogay waxaa la isla gartay in aan Muqdisho lagu laaban Karin, sababo la xiriira dagaalkii laga soo qaxay oo weli sii socday iyo qarashaad dib loogu laabto oo aan faro lagu heyn.

-       Markii arrinkii dhan walba laga eegay ee aan weli xal sax ah la helin ayaa aniga iyo waalidkey waxaa go’aansanay in aniga la ii diro Liibiya si aan halkaas badda dhexe ee loo yaqaano Mediterranean-ka ee u dhexeysaLiibiya iyo Talyaaniga, ujeedkeyguna waa in aan halkaas ka galo Yurub, kaddibna wax ka bedelo xaaladda nololeed ee qoyskeyga.

-       Aniga iyo waalidkeygaba waan ogeyn dhibaatada iyo halista loo maro in Liibiya la aado, sababta oo ah baasaboor iyo Visa maanan heysan oo waxaan doonayey in aan Kenya ka bilaabo safar dhulka ah, Ugandha maro, Suudaan maro, kaddib Liibiya halkaas ka galo.

-       Halistu in kastaba hala ekaayee waalidkey waxay go’aamiyeen in aan u bareero oo aan isku dayo in aan ka gudbo, haddii aan ka gudbi waayo ama aan ku dhintana ay ii soo duceynayaan oo ay quraan ii aqrinayaan.

-       Labada dhinacba, waa waalidkeyga iyo anigee go’aanku wuxuu ahaa mid adag oo naf hurnimo ah, wuuna xanuun badnaa bilowgiisiiba, in kastoo xanuunkaas aan dhadhamiyey inta aan ku dhex jiray tahriibka.

Sidii markii uu Muqdisho ka ambabaxaayeyba uu ugu rajo weynaa inuu nolol wanaagsan ka heli karo Kenya ayuu Axmed ugu hanweyn yahay inuu Yurub ka heli doono fursad uu noloshiisa ku hormariyo, qoyskiina wax ugu qabto oo nolol ka wanaagsan tan qaxootiga ay ku hungoobeen ugu abuuro.

Safarkii u dhexeeyey min Kenya, Ugandha illaa koofurta Suudaan wuxuu ahaa mid cabsi iyo welwel badan, balse halistiisa kale yareyd. Xudduuda Koofurta Suudaan waa lagu xiray Axmed iyo kooxdii la socotay, waxaa la weydiiyey in ay wax xoogaa lacag laaluush ah iska bixiyaan, kaddib waa la sii daayey oo way ka gudbiyeeny illaa ay gaareen magaalada Khartuun ee caasimadda Suudaan.

-       Nolosheena oo dhami waxay aheyd biimo, waayo afar dal xuduudahooda ayaa go’aansanay in aan ku gudubno si sharci darro ah, xuduudaha Kenya, Ugandha iyo koofurta Suudaan waxaan ku marnay lacago Laaluush ah, balse markii aan Khartuum gaarnay waxaan dareemeynay in aan u nimid dad kalgacaltooyo noo muujiyey, waa dadka reer Suudaan.

-       Ma dareemeysid in aad dhul shisheeyey joogtid marka aad Khartuum joogtid, waayo dadka iyo dowladdaba waa dad Soomaalida u hayaan kalgacaltooyo, inkastoo dallaaliinta na gudbinayey xaduudda Suudaan iyo Liibiya  ay ahaayeen kuwo naxariis daran oo na khiyaameeyey.

Markii ay ka safrayeen Khartuum una jiheysteen Liibiya, Axmed wuxuu la safray 15 kale oo dhalinyaro ah oo isugu jirtay Soomaali iyo Eriteriyaan, kuwaas oo kala ahaa 6 Gabdhood oo 4 ka mid ahi Soomaali ahaayeen iyo 9 rag ah.

Qof kasto oo ka mid ah Axmed iyo 15-kii la socotay wuxuu bixiyey $500, taas oo aheyd qarashka lagu safrayo illaa xaduudda Liibiya. Qarashkaasi kooxda qaadaneysay oo u badnaa Suudaaniyiin, balse ay Soomaalina la socotay, 16-ka tahriibayaal ee uu Axmed ka mid ahaa waxay u soo kireeyeen labo gaari oo an nooca Landcruiser, kuwaas oo marka lagu daro darawalka iyo min hal dalaal oo la socday midkiiba lagu saarnaa 10 qofood, ciriiriga dartiisna gabdhihii qaar way dawaqeen oo gaariga way ku matageen, kuna suuxeen.

Xilli 8-da fiidnimo ah ayuu safarkii ka dhaqaaqay Khartuum, waa berigii ayaana la keenay magaalo yar oo ay kooxdii dalaaliinta ugu sheegeen tahriibayaasha in ay joogaan Xadduudii Suudaan iyo Liibiya.

Meeshii ayaana lagu dejiyey dhammaantood oo kaddibna dhabe toobiye ah ayaa loo tilmaamay si ay u bilaabaan safarkoodii lugta ahaa oo ah mid aad u dheeraa, xanuun badnaa, halistiisuna aad u weyneyd.

Axmed iyo saaxiibadiisa tahriibka waxay lugeynayeen labo maalmood iyo labo habeen si ay u gaaraan xadduuda u dhexeysa Suudaan iyo Liibiya, taas oo ay aad uga xumaadeen maadaama ay khiyaameeyeen kooxdii waday ee dallaaliinta ahaa.

-       Askarta joogtay dhanka Xadduuda Suudaan way na marxabeeyeen, biyo ayey na siiyeen iyo cunto, kaddibna way noo ogolaadeen in aan iska gudubno, balse markii aan soo gaarnay jidgooyadii dhanka Liibiya ayaa na loo sheegay in aan xiran nahay, ciqaabtuna markaas ayey noo bilaabatay- ayuu yiri Axmed.

-       Xusuus ka qaraar tii xadduuda liibiya in ay isoo mari doonto u maleyn maayo, balse tan iyo markii aan ka soo barakacnay Muqdisho nolosheydii way jahwareersaneyd, mana aan helin fursad aan ku jiheeyo mustaqbalkeyga.

-       Liibiya wax kale oo aan ku sifeynayo ma jiraan, haddii aanan dhaheyn waa cadaab dunida korkeeda ku taalla, waayo markii aan nimid xadduudooda ayey noo bilaabatay cadaabta nolosha, askartaasi waxaan ku tilmaami karaa uun in ay ahaayeen naxariis laawayaal aan bani’aadamnimada aqoon.

-       Markii ay na qabteen askartii Liibiya ee xadduuda, waxaan ka fileynay in ay noola dhaqmaan sida kuwa Suudaan oo kale, balse inta ay na kaxeeyeen, noo sheegeen in aan xiran nahay ayey na kala sooceen raggii iyo gabdhihii.

-       Raggii waxaan aheyn 10, aniga iyo 9 kale, dumarkuna waxay ahayaayeen 6. Ragga waxaa nala geeyey teendho meel banaan ah oo saxare ah ku taalla oo kuleylka iyo siigada ay u dheertaya dabeyl indhaha dadka kala baxeysa oo ciidda hadba dhan u guuruurineysa.

-       Dhawr maalmood ayaa meeshii na lagu hayey, gabdhihii waa na laga watay oo waxaa lala galay meel aan meesha ka fogeyn oo xeyndaaban oo teendhooyin ku dhex yaalaan.

-       Maalin walba hal mar ayey askarta noo imaanayeen oo ay noo keenayeen wax aan cunno, biyo waan heleynay yar oo aan cabno ama ku dukano, walow aan na loo ogoleyn in aan qubeysano, meel lagu qubeystana aysan jirin.

-       Musqulo xitaa ma laheyn oo waxaan iska fadhiisaneynay banaanka la isugu wada jeeddo, sababtoo ah haddii aad fogaato askarta ayaa diideysay.

-       Gabdhihii na laga watay waa la fara xumeeyey, askar aan tiradooda ka yareyn 30meeyo ayaa isku dhaafdhaaftay, labo maalin iyo labo habeyn ayeyna heysteen si ay u faraxumeeyaan, waxaase noogu wada darneyd maalin ay noo sheegeen in aan baxeyno oo ay na fasaxayaan ayaa waxaa isla hadlay askartii iyo askar kale oo meesha meel u dhaw joogtay, waxay ka codsadeen in aan gabdhaha laga siideyn oo loo geeyo.

-       Waxaa naloo sheegay in gabdhihii loo wadayo xero kale oo ciidan oo ay joogaan dhawr iyo toban askari, kuwaas oo codsaday in ay iyagana gabdhaha markooda soo heystaan, waxba nalagama qarineyn oo waa naloo sheegaayay in gabdhaha la kufsanaayo.

-       Ciilka iyo calool xumada addun waxaa noo dheeraa in askarta ay aflagaadooyin noo geysanayeen, taas oo ay ka mid ahayd inaan nahay dad aan dowlad laheyn, dad aan cid daryeeleysa laheyn, in ay xaduudda ay ku go’ddoonsanaayeen ugu keennay gabdho aan cidi ka ceshaneyn, taas oo ay ula jeedaan gabdhaha Soomaaliyeed ee tahriibka ah.

-       Markii ay askartii kale gabdhihii soo fasaxeen oo ay noo yimaadeen gabdhihii oo aan u dhibaateysan, qaarkood xitaa aan socon Karin oo lugihii kala tageen ayey askartii noo sheegeen in aan nala siideyneyn haddii aan bixin wayno $500 qofkiiba. Naxdin hor leh ayey nagu noqotay, waxaan u sheegnay in aysan jirin qof lacag wadata.

-       Askarta Liibiyaanka caado ayey u aheyd arrintee waxay nagu yiraahdeen u sheega qoysaskiina in ay lacagta Soo dhigaan sharikad xawaaladeed oo ku dhex taala safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.

-       Si aan dadkeena ula xiriirno oo ugu sheegno in nala heysto oo lacag nalaga doonayo askartii ayaa taleefoon noo keentay, sidii ayeyna qoysaskeenii nagula xiriirsiiyeen oo aan kaga codsanay in nalaga siidaayo askartan arxanka darran.

-       Qof walba lacag ayaa loo soo diray marka laga reebo gabar Eriteriyaan aheyd oo nala socotay, taas oo markii ay sheegtay inaysan lacag heli karin la garaacay kaddibna lala haray.

-       Inteenii kale ee 15-ka aheyd 2 maalmood oo dheeri ah ayaa meesha na lagu hayey si ay dadka oo dhan lacagta u soo diraan, markii la xaqiijiyey lacagaha oo dhami in ay xawaaladii yaalaan ayey na soo qaadeen askartii, waxay na keeneen magaaladii halkii ayeyna ka qaateen lacagtoodii.

-       Inta aan jidka ku soo jirnay, ayey gabar Soomaaliyeed oo ka mid aheyd kuwii sida arxan darrada aheyd loo faraxumeeyey ku dhex miir-daboolantay gaarigii, kaddibna iyadoo garaab ah ayaa la keenay magaalada halkaas oo ay ugu geeriyootay dhibaatooyinkii loo geystay iyo dhiig bixii.

-       Gabadhu waxay aheyd mid yar oo aan weli guursan, si xanuun iyo tacaddi badan leh ayaana loola dhaqmay, wayna u dhimatay tacaddigaas tartiis maalmo gudahood ayuu hadlakiisii ku soo koobay.

Axmed in uu Liibiya ka baxo waxay ku qaadatay 2 sano, waayo qoyskiisa oo uu ka sugaayey in ay u soo diraan lacagta doonta lagu raaco oo dhameyd $1200 ayaan weli u soo dhameystirin lacagtii uu ku bixi lahaa.

Labo sano kaddib markii uu fursadda u helay in uu badda soo galo, oo lacagtii ay soo gaartay waxay doontii waday ku soo xiratay marsaday Jasiiradda Lambadusa ee dalka Talyaaniga.

Durba Axmed iyo intii la socotay waxaa la geeyey xero lagu hayo qaxootiga cusub ee Talyaaniga yimaado inta xaaladahooda laga baaro oo ama la aqbalo ama laga diido.

Inta uu badda ku jiray wuxuu Axmed ka walwalsanaa in badda lagu qabto doonta oo Liibiya dib loogu celiyo, halkaas oo niyaddiisa aad u necbeyd, una qaaday cadaawad tiro badan iyo naceyb.

Markii doontii waday Axmed iyo 120 kale oo tahriibayaal ah ay soo gaartay Xaabta Lambadusa ayuu Axmed ALLAAH uga mahadceliyey inuu ka soo saaray Liibiya, wuxuuna niyeystay in riuyadiisii ay rumowday oo uu galay noloshii wanaagsaneyd ee uu ku taamayey.

Balse wax walba uma dhicin sidii uu is lahaa way noqonayaa. Talyaanigana waxaa uga horyimaadeen caqabado cusub oo hor leh. Wuxuu xaqiiqsaday in waxa uu ku taamayey iyo xaqiiqda uu u yimid ay kala yihiim labo marxaladood oo kala fog. Kaliya Talyaaniga cabsi in lagu dhibaateeyo ah ma taallo, balse hoy ma leh, shaqo ma leh, daryeel iyo xanaano ma leh, waa adiga oo ku socda haloosin muqdi ah oo kale.

Axmed waxay caqabad ka qabsatay kaddib markii saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka Talyaaniga ay u sheegeen in uu soo cadeeyo Soomaalinimadiisa. Waxaa lagu yiri la imaw baasaboor, teesare ama wax kale oo ku cadeynaya.

Axmed weligiis ma yeelan baasaboor iyo teesare midna, karaka kaliya ee uu heystay wuxuu ahaa kan Iskuulka, balse isagiina wuxuu kaga soo tagay halkii ay deganaayeen qoyskiisa ee aheyd xeradii Xagar dheer.

-       Caqabaduhu way iska badnaayeen balse ma jirto wax ka xanuun badan markii lagu yiraahdo soo caddey jinsiyadda aad sheegatay oo haddana aadan heli karin meel aad ka caddeyso iyo si aa d u caddeyso intaba.

-       Aniga Af Soomaali waan ku hadlayey, balse wax ka badan oo caddey ah ma wadan, ciil ayey igu noqotay markii inta la igu yiri isa soo caddey kaddibna la iiga dhaqaaqay qolkii ay igu qaabileen. Meel aan ka bilaabo ma leh, si aan isu caddeeyo ma leh, qof I caawiyo ma leh, aniga iyo maskaxdeyda uun baa isku mashquulnay waana soo saarri weynay natiijo.

-       Markii aan talyaaniga imid 3 bilood ayaa laygu hayey xeradii qaxootiga, kaddibna inta la isiiyey ogolaansho in aan dalka ku noolaan karo ayaa magaalada la igu siidaayey, aniga in aan nolosheyda deberto ayaa la iigu baaqay, marka aad timaaddo dal islaameed oo aadan garaneyn meel aad noloshaada ka bilowdo way xanuun badan tahay.

Axmed markii uu muddo ku wareersanaa dalka Talyaaniga gudihiisa, ayuu go’aansaday inuu farihiisa dhaqo kaddibna dib isaga dhiibo dalalka Yurub ee qaxootiga qaabila. Daawooyin halis geliyey farihiisa ayuu ku dhaqay, kaddibna wuxuu iska dhiibay dalka Holland, halkaas oo uu ku guuldareystay inuu faraha qariyo.

Computerka ayaa farihiisa soo saaray markii uu is dhiibayba, kaddibna waxaa lagu soo celiyey Talyaaniga. Guuldarradaasi waxay gelisay niyad-jab xun, wuxuuna bilaabay inuu isla sheekeysto oo waqti badan kaga lumo fikir iyo walaac nololeed.

Dhawr bilood kaddib wuxuu haddana go’aansaday inuu aado Denmark, halkaas oo markii uu iska dhiibay sidoo kale farihiisa laga helay Talyaaniga inuu soo maray, kaddibna waa la soo celiyey.

Jarmalka ayuu tijaabiyey, wuuna ku soo guuldareystay, maaddaama si kasta oo uu u dhaqay farihiisa ay suurto gali waysay in ay ka qarsoomaan hab-ka faraha la keydiyo ee Yurub, kaas oo loogu talo galay in qaxootiga lagu xaddido in ay Yurub dhexdeeda isaga gooshaan.

Axmed oo muddo ka badan 12 bilood ku jiray hadba inuu meel iska dhiibo kuna fashilmayey ayaa wuxuu ugu dambeyntii tagay dalka Sweden halkaas oo lagula taliyey inuu ilmonimo isku dhiibo.

Axmed muuqaalkiisa waa mid ilmo oo kale ah, isagoo markii horeba jab yaraa ayaa daruufaha nololeed ee la dersay tan iyo markii ay soo qaxeen ayaa waxay ka dhigeen qof aad xayeesi u ah oo dhererkiisa xitaa oo is dhimay.

Sweden ayuu Axmed isaga dhiibay inuu yahay ilmo 13 jir ah oo aan waalidkiis la socon. Sababta oo ah Sweden qofka ka yar 16 jir sharciga ma qabo in faro laga qaaddo, sidaas darteedna Axmed maaddaama uu jirkiisii baaba’ay misena uu aad u jabyaraa waa laga yeelay inuu yahay 13 jir. Xilliga uu 13 jirka isku dhiibayo waa 24 jir, wuxuuna cimrigiisa ka jaray 11 sanadood daruufta nololeed ee qabsatay darteed.

Axmed wuxuu ka sheekeeyey noloshiisa Sweden, wuxuuna mar walba gocanayaa xaaladda uu ku sugan yahay oo ah mid uusan marna ku farxin.

-       Runtii waan ku guuleystay in aan isku dhiibo 13 jir, daruufaha i soo maray ayaana muuqaalkaas ii yeelay, hase yeeshee noloshu weli waa ciriiri. Sharcigii Sweden waan helay, qoysk Swedish ah oo iska fiicanna waan la noolahay, bulshada Soomaaliyeedna waan weheshadaa in kastoo aan ka dhuunto oo aan ka baqo in ay i arkaan dad i yaqaana oo i kashifaan.

-       Mushkiladu hadda ma ahan nolosha, waan iska wanaagsanahay dhanka nolosha, lacag yar oo aan reerka u dirana way is siisaa Islaanta aan la noolahay ee Swedish-ka ah, balse aniga oo 26 jir ah hadda ayaa dhex joogaa caruur Swedish ah oo 12 jiryaal iyo la mid ah. Mararka qaar aniga oo og da’da aan jiro ayaan la ciyaaraa gabdho yar yar oo 13 jiryaal ah, iyagii sidooda oo kale ilmo yar ayey imoodaan anigana nin qaangaar ah oo weyn ayaan ahay. Waa in aan caruurta la boodboodaa oo aan sidooda oo kale u dheeldheelaa, haddii kale waa la I weydiinayaa oo waxaa la I leeyahay yaa kaa xanaajiyey maanta.

-       Islaanta aan la noolahay waxaa guriga u joogta gabar 19 jir ah oo ay dhashay, gabadha aad ayey ii ixtiraamtaa oo ii daryeeshaa, waxay iila dhaqantaa sida wiil la dhashay oo ka yar, anigana in kastoo aan gurigooda ku joogo ilmonimo, haddana qalbigeyga wuxuu ii sheegayaa in aan ahay 26 jir.

-       Mararka qaar ay suuqa ii wadeyso oo wax ii soo gadeyso gacanta ayey iga qabataa, way iga dheer tahay una muuqataa in ay iga weyn tahay oo waa gabar korriimo sax ah heshay, balse xaqiiqda anigaa 7 sano ka weyn.

-       Marka aan guriga joogno mararka qaar qolkeedii ayey I geysaa, ‘Game’ayaan isla ciyaarnaa, waxay i dhahdaa ila soo seexo, oo shaki raganimo igama qabto, balse aniga dhibaato ayey igu tahay in aan gogosha ay ku jiifto dhinac ka jiifto, iyaduse naxariis iyo in ay aniga ii muujineyso wanaag uun bey ula jeeddaa.

-       Dharka la ii soo gado waa kan caruurta, waad u jeedaa sida ay iigu dhegan yihiin, daruufahan oo dhami wixii kalifay waa faraha iga yaallo talyaaniga, welina welwelka waan qabaa, oo haddii la ogaado in aan beenshaagay sharciga waa la igala noqonayaa.

Axmed wuxuu iskuul la dhigtaa cauur yar yar, duruusta la qaadanayana waa tii yaraantiisii uu Muqdisho ku soo qaatay oo luuqadda uun ay bedelan tahay, hase yeeshee marnaba  lagama dareemo inuu hore u yaqaanay duruusta oo wuxuu isku dayaa inuu macalimiinta dareensiiyo inuu casharka fahmay.

Axmed oo haatan 15 sano buuxiyey marka dhanka Sweden laga eego, da’diisii horena ay tahay 26 jir, waxaa inuu qaangaaro oo uu xor noqdo uga dhiman 3 sanadood, markaas oo uu ka bixi karo xanaanada Islaanta Swedish-ka ee heysata.

Axmed wuxuu fariin u dirayaa dhalinta Soomaaliyeed eek u taamaysa in ay tahriibaan, wuxuu leeyahay:

-       Qofka jooga Soomaaliya way adag tahay si loo fahamsiiyo tahriibka inuu dhibaato weyn yahay, anigaba la igama dhaadhicin karin, balse waxaan u sheegayaa tahriibku waa cadaab, waa ciqaab, in badan ayuu qofka tahriibay sillac la oynayaa, dhibaatooyin aan xisaabta ku jirin ayuu wajahayaa, waa aniga reer curadkoodii ah oo haatan dib ilmo u noqotay oo koriimo kale bilaabay xilligii aan qoyskeyga wax tari lahaa, sidaas darteed qofkii war iga maqlayow ha tahriibine dalkaaga jog, iskana iimaanso si aad ugu soo dhex dhicin bohosha aan maanta ku jiro oo kale. Ayuu Axmed sheekadii ku soo af meeray.

Haddaba, maadaama uu tahriibku leeyahay inta dhibaato ah, maxaa nala gudboon anaga, shacab ahaan, dowlad ahaan iyo shakhsi ahaanba, si loo baajiyo in ay dhalinta Soomaaliyeed ku dhacaan halistaas saxariirta ka soke ay dheg xumada iyo nolol xumada u dheer tahay.

Qalinka Abukar Albadri, Email: Abukar.albadri@gmail.com 

Wixii talo, dhaliil iyo ammaan ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>