Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

GALMADA DHALMADA DABADEED

$
0
0

Cilmiga ummulisanimadu si aad ah buu u horumaray sanadahaan dambe, waxaana jira dhakhaatiir ku faana inay arrinkaasi ka gaareen guulo la taaban karo, iyaga oo sheegta inay u oggolaadaan haweenka ay umuliyaan inay dhowr maalmood dhalmada kadib billaabi karaan shaqooyinkoodii caadiga ahaa, iyo inay weliba raggooda kala  qaybgeli karaan galmo haddii ay doonaan.

Ha yeeshee taasi waxa weeye gef weyn oo ay gelayaan dhakhaatiirta caynkaasi ahi, sababta oo ah dhismaha jirka bani’aadmigu waa uu ka duwan yahay qalabka dad sameega ah ee sidii la doono laga yeeli karo mar kasta oo uu cilmigu hore u maro.

Marxaladda dhalmadu waa marxalad Bayolojiyeed oo isbeddello badani ay ku yimaadaan awoodda iyo maskaxda haweeneyda. Ilma- galeenku waxa uu u baahan yahay saddex usbuuc oo uu ku soo ceshado qaabkiisii hore (yaraado), kadib markuu uurjiifku ballaariyey. Sidoo kale qanjirrada naasuhu waxay u baahan yihiin laba usbuuc si ay ugu caana keenaan si buuxda. Gidaarrada calooshu iyana waxay u baahan yihiin nasasho iyo inay isku laab-laabmaan.

Wadnaha iyo xididdada dhiigga qaadaa iyana  sidoo kale si ay ugu soo laabtaan daryeelka jirka kadib usbuucyo badan oo ay xoogga saarayeen uurjiifka. Afka cambarku isna waxa uu u baahan yahay waqti ku filan si uu dib ugu soo laabto qaabkiisii hore (inay 1-2 farood geli karaan), kadib markuu kala ballaariyay madaxa dhallaanku. Dhaawacyadii luqunta ilma-galeenku iyana waa inay bogsadaan. Waxa weliba intaa dheer haweeneydii dhiigga faraha badani kaga baxay dhalmada oo u baahan waqti iyo daryeel aan yarayn si ay u soo kabato.

W/D: Sabriye Macallin Muuse


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>