Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii ku dhacay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii ayaa waxaa meesha mar qur ah ka baxay sharcigii iyo kala dambeyntii iyo wax kasta oo reebanaa la xalaaleystay, sidoo kale madax badan oo KMG aheyd oo soo martay dalka Soomaaliya ayaa intooda badan waxaa saameyn ku yeeshay sharci la’aanta.
Madaxdii isaga kala dambeeyay dalka Soomaaliya ee xilalka ka soo qabtay wixii ka dambeeyay burburka waxay ku dhaqmi jireen sharci darro baahsan, taas oo keentay inay xakameyn waayaan dadka Soomaaliyeed ee intooda badan ku garaadsaday dowlad la’aanta iyo sharcidarada, wuxuuna dalka gacanta u galay dowlado shisheeye oo ay ugu horeeyaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya kuwaas oo sidii ay doonaan ka yeesha, sidaasi oo ay tahay ayey haddana ciidamo uu dalwalba soo dhoobay.
Sharci la’aanta dalka ku dhacday waxa u saameyn ku yeeshay Madaxda dowladda Soomaaliya ee maanta jirta waxaa taas daliil u ah in mar qur ah ay dalka ka wadadhoofeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha iyo weliba ku simayaashii loo baahnaa inay shaqada sii wadaan mar haddii ay madaxda dalka ka maqantahay, waxayna arrinkaasi la yaab ku noqotay dad badan oo daraasadeeya siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isul wasaare Saacid ayaa si aan sharci aheyn mar qur ah uga wada tagay dalka, iyadoo si aan sharci aheyn dalka loogu sii dhiibay inay maamulaan ciidamada AMISOM, inkastoo uu sharci u yeelanayo inuu dalka sii hayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo aan isaga cidna ka xigin, haddana xurgof hoose oo kala dhaxeysa Madaxweynaha ayuu u sii ahaan waayey inuu dalka sii hogaamiyo, si kastase waxaa la dhihi karaa sharci la’aanta waxay saameyn ku yeelatay madaxda dowladdca Soomaaliya ee la leeyahay waa madax madaxbanaan, waxaana kuu muuqaneysa inaysan madax banaaneyn oo ay yihiin weli dad ku jira gacmaha dowladaha deeqaha kala duwan siiya dowladda Soomaaliya oo aysan dowladdu ka maarmin, inkastoo uu hadda dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, haddana waxay daliil u tahay waxa ay ku kaceen madaxda dalkeena inaysan weli aqoon fiican u yeelan amaba waxba ka baran sharciyada dalka u degan, una muuqda kuwo u hogaansan amaba u dhego nugul dowladaha caalamka hadalada ka soo yeeraya oo keliya.
Waxaa diyaariyey: Ismaaciil Cumar {Caaqil yare}