Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Warbixin: Qorshaha cusub ee DFS ee ka dhanka ah Jubbaland

$
0
0

Iyadoo horay ay u tageen magaalada Kismaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada isla markaana ay wax badan isku fahmiwaayeen kooxda Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa hadana xukuumada Soomaaliya waxay wadaa qorshe ay doonayso in ay wax kaga badashao xaalada gobalada Jubooyinka.

Inkastoo xukuumada Soomaaliya ay horay u shaacisay inay ka soo horjeedo shirka ka socda magaalada kismaayo, iyo maamulka la doonayo in loo sameeyo gobaladaasi ayaa xiligaan waxaa dowladu ay bilowday qorshooyin cusub oo ay ku fashilineyso Jubbaland ayada dadaal ugu jirtaa sidii ay u samayn lahayd dadaalo diblomaasiyadeed oo arintaan ay ku soo afjari karto.

Raysal wasaare Shirdoon ayaa talaabadiisii ugu horaysay oo uu qooday oo ku doonayay in uu ku fashiliyo maamulka Axmed Madoobe iyo beeshiisa ay ka dhisayaan Kismaayo waxay ahayd markii maamul u magacaabay gobalka Gedo maamulkaasi oo hoostaga dowlada isla markaana shaaciyay in uu ka soo horjeedo howlaha ka socda kismaayo.

Waxaa jira siyaasiyiin aanan saamayn badan lahayn oo ka soo jeeda gobalka Gedo kuwaasi oo xildoon ah, kuna sugan magaalada Kismaayo, hadana rajo badan lagama laha in maamulka lagu samayonayo Kismaayo laga taageero inta badan degmooyinka gobalka Gedo.

Safarka R/wasaare Saacid iyo wadamada gobalka

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa wuxuu safar ku marayaa wadamada gobalka, waxaana wadamada uu booqanayo ka mid ah Uganda Burundi, Ethiopia, iyo Jabuuti oo maalmihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa.

Dhamaanba wadamada uu tagayo Raysal wasaaraha Soomaaliya waa kuwa ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana Raysal wasaaraha uu meesha ka saaray in uu tagi doono wadanka Kenya.

Ujeedka ugu weyn ee safarka Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ah sidii uu u soo afjari lahaa howsha uu Axmed Madoobe ka wado magaalada Kismaayo, oo ay Kenya Durbaanka ugu tumayso.

Wararka ayaa sheegaya in Saacid uu doonayo in uu ka dhaadhiciyo wadamada IGAD oo ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan in Kenya ay saaraan cadaadis badan, isla markaana ay ku saaraan in arimaha Soomaaliya ay faraha kala baxdo.

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa hadana waxay faraha kula jiraan arimaha Soomaaliya, waxaana ay gacan weyn siinayaan xiligaan Jamhada dowlada ka soo horjeeda ee Raaskambooni.

Qorshaha Xukuumada iyo hogaanka sare ee AMISOM.

Waxaa leesla gartay in markii ugu horaysay magaalada Kismaayo la geeyo ciidamo ka socda AMISOM oo aanan ahayn kuwa Kenya, waxaana halkaasi tagaya maalmaha dhow ciidamo ka socda wadanka Siralyoon.

Ciidamadaan oo tiradoodu ay gaarayso 800-oo askari ayaa markii ay yimaadaan magaalada Kismaayo waxaa Soomaaliya laga saari doonaa qaybo ka mida ah ciidamada wadanka Kenya ee haatan ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowlada iyo Ciidamada AMISOM ayaa wada Qorshe oo ay Hubka kaga dhigayaan Maleeshiyaad-Beeleedka Raaskambooni.

Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa ku xoogan maleeshiyada kooxda Axmed Madoobe oo gabaadsanaya ciidamada Kenya oo aygu leh dano gaar ah, manajirto qof ka soo horjeeda hogaamiye kooxeedka heesta magaalada  oo halkaasi joogta ama fikirkeeda xor u ah.

Isha: KON


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>