Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahaanada ayaa is weydiinaaya booqashada Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry uu ku imaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Booqashada oo noqoneyso mid Taariikhi ah ayaa waxaa su’aalo badan ka keenay Siyaasiyiin iyo aqoonyahaano ku takhasusay Siyaasada.
Maxamed C/qaadir oo ku takhasusay Cilmiga Siyaasada ayaa waxa uu ka hadlay socdaalka John Kerry uu ku imaaday Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in markii la eego dhanka Siyaasada ay Somalia sharaf u tahay inuu soo booqdo xubin sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka maadaama wadamada qaar oo ay ka jirto nabadgalyada aysan booqan.
Waxa uu sheegay in sida kale booqashadiisu aysan soo kordhin karin wax hormar ah, waxa uuna tusaale usoo qaatay in Siyaasadaha isku cakiran ee ka taagan dalka Somalia aysan u baahneyn kulan saacad ka yar, waxa uuna tilmaamay in qodobada John Kerry uu kala hadlay Madaxda DF ay yihiin kuwa aan la socon wax balanqaad ah, markii laga reebo in Somalia ay ka caawin doonaan la dagaalanka Maleeshiyaadka Alshabaab.
Wuxuu tilmaamay in booqashadaasi ay barbar soctay dano gaar ah oo uu u imaaday dalka Somalia sida indha indheynta xarunta Safaarada u noqon doonto dowladiisa, Kormeerka Ciidamo gaar ah oo Mareykanka ka jooga Somalia iyo arrimo gaar ah.
Xildhibaan C/llahi Maxamed oo isna kamid ah BF Somalia, ayaa dhankiisa ka sheegay in socdaalka John Kerry uu yahay mid aan waxba dhaamin Socdaalka Xubnaha QM ka jooga Somalia, taasi oo uu sheegay in micnaheedu yahay in Somalia aysan u baahneyn booqasho aan la socon taageero dhab ah.
Wuxuu tusaale usoo qaatay in Dowlada Mareykanka ay dhowr jeer Somalia u balanqaaday dhaqaale farabadan balse aan ilaa iyo iminka aan lasiin.
Xil. C/llahi wuxuu xusay kaliya in Dowlada Mareykanka ay ku wanaagsan tahay dhiiragalinta iyo duqeynaha wixii intaa kasoo hara aysan hormar ku gaari karin DF Somalia.
Dowlada Mareykanka waxa ay hadda dooneysaa in kulamadan hormar uga sameyso arrimaha la xiriira wax loogu yeero la dagaalanka argagixisada iyo ka faa’iideysishada dhaqaalaha gobolka, taaso dabcan ay si kale iyana ugu arkaan madaxda gobolkan in ay faa’idu ugu tahay dalalka ay hogaamiyaan.
Dalkan waxaa horay usoo gaaray madax kale oo caalamiya, oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Ardogan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , Ba ki Moon oo labaduba min laba jeer yimid Xamar, Xoghayaha Jaamacadda Carrabta, Nabiil Al-Carabi, Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD, oo Muqdisho mid ka mid ah shirarkoodii ku yeeshay sanadkan iyo masuuliyiin kale, walina ma jiro isbedel muuqda ama raad fiican ku reebay Soomaalida, marka laga reebo Ardogan.
Kaliyah booqashada Masuuliyiintaas waxa uu noqday Farxad Geliyaha Hogaanka Dowladda, shacabkuna waxa ay dhaxleen ee ay ogyihiin waa cadibadihii ka qabsaday isusocodkooda markii ay madadxdaasi imaanayeen dalka.
Dhinac kale hadii laga fiiriyo, Mareykanka ah oo awood weyn oo muuqata, waxaa suuragal ah in imaanshiyaha Kerry ay macno kaloo gaar ah sameyso, oo dad badanbaa qaba in ayan ahayn arrin la sahashan karo inuu Mareykanku masuul sidaas u maqaam weyn usoo diro dalkan in ay tahay “Maalaa Yacni”.
Ugu dambeyntii, Madaxda DF Somalia ayaa looga fadhiyaa inay soo bandhigaan Natiijooyinka ay kasoo hooyisay kulamada ay la qaataan Madaxda uga soo safarto Caalamka intiisa kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com